Baydhabo(INO)-Saraakiisha Ciidanka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegeen in hawlgal- ballaaran oo ka dhan ah Xoogaga Al-shabaab ee Soomaaliya ay Ka Bilaabeen Gobolka Bay.
Maxamuud Maxamed Jiirow, Taliyaha Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay Howgalo lagula dagaalamayo Kooxda Al-shabaab ee ku sugan Degaano ka tirsan Gobolka Bay.
Taliye Maxamuud Maxamed Jiirow ayaa sidoo kale Tilmaamey in Howlgalkaan ay ka caaawinayaan Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ee Ku sugan Gobolka Bay isla markaana waxa uu ku hanjabey in dhawaan laga saarayo Al-shabaab degaanada ay ka joogaan Gobolka Bay.
Ugu dambeytii Hawl-galkan ayaa ku soo beegmaya xilli Dhawaan Degaano ka mid ah Gobolka Bay uu ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamda DFS ,kuwa Dowladda Koonfur Galbeed iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Kooxda Mayalka adag ee Soomaalida Al-shabaab.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo