Kismaayo(INO)-Iska hor imaad u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo iyo kuwa Jubbaland oo ay weheliyaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta halkaa ka dhacay.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubba ay Weerar ku qaadeen Xero ay dagan yihiin Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo ku Xareysan Xero ku taala Duleedka Magaalada Kismaayo.
C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Jubbada Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubba ay Weerar ku soo qaadeen Xero ay ku jiraan Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya,waxaana uu intaa ku daray in ay Jir dileen Ciidamo iyo Saraakiil ku sugnaa Xerada.
Sidoo kale C/rashiid Macalin Gaas ayaa intaa ku daray in Ciidamada Weerarka qaaday ee Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ka xaysteen Ciidamo Xerada ku jiray.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Kismaayo