Daawo: Gudoomiyaha Gobalka Bay Oo Maanta Qado Sharaf U sameeyey Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada

0
243

Baydhabo(INO)-Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Bay Mudane Cabdirashiid Cabdulaahi  ayaa Maanta waxuu Qado Sharaf u sameeyey Dhamaan  Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Iyo  Kuwa Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay iyo Qiibaha kala Duwan ee Bulshada rayidka.

Dadka Maanta kasoo Qayb Galey Waxaa kamid ah Siyaasiyiin , Aqoonyahano , Culumaa’u diin , Nabadoono iyo  Ganacsato.

Qado sharaftaas ayey waxay aheyd in Gudoomiyaha mar uu la qadeeyo Asxaabtiisa , isagoo Muujinayo Kalgaceylnimada uu u haayo shacabka  Degmada Baydhabo iyo waxgaradkooda . Goobta qadada waxaa yimid Qaar ka tiran wasiirada Dowladda   Koonfur Galbeed Soomaaliya

Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Bay Mudane Cabdirishiid  Cabdullaahi ayaa Maalamaha Soo socda waxaa lagu caleemo saari doonaa Xarunta Madaxtooyada  ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya , iyadoona uu kasoo qayb gali doono Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed  Mudane Shaiif Xasan Sheekh Aadan.

 Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here