Dhageyso: Cali Max’ed Geedi oo amaaney horumarka Puntland, in lagu daydana ku booriyey

0
262
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/01/geedoPuntland1.mp3|autostart=yes]

Ra’iisalwasaarihii Xukuumadii KMG ahayd ee dalka Somaliya Cali Maxamed Geedi ayaa waxa uu ka hadlay sida ay udhacday doorashadii dhawaan ka dhacday Puntland ee lasoo doortay Hogaan Cusub oo golaha Wakiiladu yeesheen.

Cali Geedi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo doortay Mudane Siciid Xasan Shire kuna sheegay shakhsi kasoo dhalaali kara mas’uuliyada loo igmaday oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Professor Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay inay soo wada shaqeeyeen Siciid Xasan Shire Xukuumadii uu isaga hogaaminayeyna uu Wasiir kasoo noqday sidaa awgeedna uu hambalyo ku aadan xilka loo magacaabay udirayo.

Ra’iisalwasaarihii hore ee Somaliya Cali Geedi ayaa dhinaca kale ku baaqay in lagu daydo hormarka ay gaareen maamulka Puntland.

aliGeedi

Idale News Online