Cali Maxamed Geedi oo ka mid ahaa Ra’iisul wasaarayaashii dowladii C/laahi Yuusuf Axmed ayaa qoonsadey shirka geedi socodka Somalia ee dhawaan ka furmay magaalada Muqdisho. Mr Geedi ayaa dhaliil xoogan u soo jeediyay shirkaasi isagoo dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay inuu kooxo dano gaar ah laga leeyahay uu halkaasi isugu soo uruuriyey sidaas darteedna aan dib u heshiissin aan marnaba loogu yeeri karin shirka ka socda Hotal Jazira. balse bil caksi uu sheegay inuu arko dalxiis.
[audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/09/Cali-Geedi.mp3]‘‘Waaba yaabay shirka dib uheshiisiinta qaranka waa lagu leeyahay dadka meesha isugu yimidna dad colaad isu qaba ma ahan, mid soomaali u dhantahay oo dowlad goboleedyadii iyo maamuladii gobolada iyo beelihii soomaalida u dhanyihiin ma ahan, marka waxay ila tahay aniga aragtidayda inay yihiin dad ay asxaab yihiin ama isku hadaf hoose yihiin oo ay wadaagaan ujeedooyin gaar ah inay soo wacdeen ayaan anigu uqaadanayaa sidaasay soomaalida waxgarataa u aragtaaye shirweyne dib uheshiisiin soomaaliyeedow dana umadeed iyo dana qaran lagu gorfayn doono aniga ilama muuqdo,’’ ayuu yidhi Cali Maxamed Geedi
Idale News Online, Mogaishu