Dhageyso: Cabdiqadir Ajuuke Oo Dowlada Koonfur Galbeed Ku Eedeeyay Heshiis Ka Bax

0
246

Baydhabo(SHL-NEWS)-Xubno ka mid ah maamulkii uu hogaaminaayay Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ka baxay heshiis horay ay ula gaareen.

KG

Cabdiqaadir Ajuuke oo ka mid ah xubnahii uu hogaaminaayay maamulka Madoobe Nuunoow ayaa u sheegay  Warbaahinta  in balanta Labada dhinac ay ahayd awood qeybsi dhanka wasiirada iyo guud ahaan maamulka ah, hase ahaatee aanay dhicin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay in aan wax xil ah loo magacaabin shaqsi ka socda maamulkii Lixda gobal ee Koonfur Galbeed, islamarkaana heshiiskii dhacay qeyb ay ka ahayd in wasiirada dhinacooda ay xubno ka keensadaan.

Ajuuke ayaa dhanka kale sheegay in Ilaa Afar xubin oo ka mid ah wasiirada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed in aysan u dhalan gobalada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose waa sida uu hadalka u dhigaye, isaga oo dowladda iyo caalamka ugu baaqay in arintaan ay soo fara geliyo.

Halkaan Hoose ka dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here