Cadaado(INO)-Magaalada Cadaado oo ku taala bartamaha Soomaaliya ahna Xudunta Gobolada Mudug iyo Galgaduud beryahaan waxaa laga dareemayaa Camirnaan saa id ah waxaana kusoo qul qulaya dadweyne iyo madax aad u farabadan waxayna safka hore kaga jirtaa hadalhaynta Warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasha.
Marka aad eegto Magaalada waxaad ku arkaysaa Baabuur aad u farabadan oo u badan kuwa Raaxada Sawirada Musharixiinta doonaya Jagada Madaxweyne nimo ee Gobolada dhexe oo Gidaar walba lagu dhejiyey aadna u qurxiyey Bilicda Magaalada waxaad kaloo isleedahay Cidina halkaan kama maqna waayo waxaa xili walba kaasoo horbaxaya dad aad ku arki jirtey degmada aad kunooshahay adigoo u malaynaya inaad joogto Xaafadaadii.
Halkan Ka Dhageyso.
Bulshada isugu timid Magaalada Cadaado waxay ku soo kordhiyeen dhaqaale waaayo waxaad arkaysaa goobo farabadan oo ganacsi oo laga furay faras Magaalaha goobahaas oo lagu iibyo wax waliba oo aad u baahantahay waxaana buux dhaafay Maqaayadaha iyo Hotelada Tusaalana waxaa kuugu filan Guriga filada ah ee shirka ka hor lagu kireyn jirey Boqol doolar hada waxaa lagu kireeyaa inta u dhaxaysa Kun ilaa shan kun oo doolar.
Hadal haynta Bulshada isugu timid Cadaado ayaa ah Gudiga farsamada Wasaarada gudaha Ergeda odayaasha dhaqanka Musharixiinta ku waas oo qoloba si wax uga sheegeyso amaan iyo dhaliilba hase yeeshee waxaa xaqiiq ah in qofkastaa ku qanacsanyahay in Maamul kasoo baxo shirka Cadaado xitaa haduu iska dhex waayo.
Idale News Online, Cadaado