Iyadoo muddooyinkii u danbeeyay eedaymo loo jeedinayay Wasiirka arimaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Gulled ayaa waxaa soconaya da’daalo uu markale ku doonayo inuu kusoo noqdo Wasaaradaasi.
Kulamo ay yeesheen beelaha Habargidir oo uu ka dhashay Wasiirka ayay labo garab ugu kala jabeen waxaana intooda badan ay soo jeediyeen Mr Gulled inuusan kamid noqon golaha Xukuumadda soo socota maadaama sida ay hadalka u dhigeen xiligii uu Wasiirka ahaa beelahaasi waxba u qaban.
Nabadoon C/hi Cilmi oo ku hadlaayey garab ka mid ah dhinacyadii ka hor yimid in dib Guuleed loo soo magaacabo ayaa sheegay in aysan beel ahaan taageeri doonin dowlada haddii Guuleed dib loogu soo daro xukuumada cusub ee ra’iisul wasaare C/wali Sheekh.
Waxaa muuqata in xaalka golaha wasiirada uu noqday ka dar oo dibi dhal, maadaama qabiil xaalka uu qabiil daba la galey, tirada golaha wasiirada la filaayana noqon doonaan kuwa kor u dhaafaaraya 55 wasiir iyo wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowleyaal.
Idale News Online, Mogadishu