Dhageyso: Baafo” Si Habsami Leh Ayaa Loo Wada Doorashada Aqalka Hoose Ee KGS”

0
177

Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa si habsami leh uga socota Doorashada xubnaha Aqalka Hoose, kadib markii shalay iyo maalinkii ka horeysay Magaaladaasi lagu doortay 16 xildhibaan oo ka mid noqday xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale maanta Magaalada Baydhabo waxaa lagu wadaa in lagu doorto 7 xildhibaan oo ka mid noqda Aqalka Hoose, si loo soo gaba gabeeyo wajiga hore ee Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka ee Koonfur Galbeed Sayid Cali Baafo oo la halday Warbaahinta ayaa sheegay Doorashooyinka Koonfur Galbeed in ay u socdaan si habsami leh maantana ay rajeynayaan in Magaalada Baydhabo ay ku doortaan 7 xildhibaan oo Aqalka Hoose ah.

Sidoo kale maanta Magaalada Cadaado waxaa la filayaa in ay ka bilaabato Doorahsada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Galmudug, sida ay inoo sheegeen Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug.

Ugu dambeyntii, Dhowaan ayay aheyd markii Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya Micheal Keating uu sheegay Doorashada Soomaaliya in waqtigeeda ay ku dhici karto hadii la helo Kooramka xildhibaanada Aqalka Hoose, kadibna inta harsan dib laga soo dhameystiri doono.

Halkan Ka Dhageyso