Dhageyso Axmed Madoobe iyo Fartaag oo labaduba ka hadley Aragtida Maamulkoodu ka qabo Go’aankii IGAD

0
171

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dhawaan shir ka dhacay magaalada Kismaayo loogu doortay madaxweynaha maamulka Jubbland ayaa eedeeyay dowladda Fedaraalka Soomaaliya. Axmed Madoobe oo saaka la hadlaayay BBC-da ayaa sheegay in dowladda ay ka masuul tahay dhibaatooyinka iyo jahwareerka ka socda magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in DF Somalia ay magaalada Kisamayo maalin kasta u soo dirto wafdi aan lala socodsiin maamulkiisa kuwaasoo olole iyo abaabuul ka sameeya si colaad loo huriyo sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay haddii ay arrintaas ay sii socoto in mowqif cad ay ka qaadan doonaan dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Marka hore dhageyso Dhageyso Wareysiga BBC la yeelatey Axmed Madoobe, oo isagu sheegta inuu yahay Madaxweynaha Maammul Goboleedka Jubaland, isla markaasna sheegey in dowladu ka dambeyso madaxweynayaasha looga dhawaaqay magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay in arrintaas looga gun lee yahay siddii maamulka Jubbland loo burburin lahaa.

Dhageyso Wareysiga Axmed Madoobe

[audio:http://caasimada.com/wp-content/uploads/2013/05/Halkaan-Ka-Dhageyso-hadalka-Axmed-Maxamed-Islaam-Ahmed-madoobe.mp3]

Dhanka Kale, Madaxweyne Kuxigeenka MaamulkaJ ubbaland Gen Cabdilaahi Sheikh Ismacil fartaag oo Uwaramay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ee gudaha dalka  ayaa si kulul Uga Jawaabay Qodobadii Dowladu ay shaacisay ee ay sheegtay IGAD in ay Soo saareen

Gen Fartaag ayaa sheegay in Dowlada Somaliya Dadaal ugu Jirto say u Bur burin lahayd maamulka Jubbaland ‘Hadaba Saadaal Media ayuu uga waramay Arimo Dhowr ah Maanta

Dhagesyo Wareysiga Madaxweyne Ku Xigeenka Jubaland C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag:[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/05/Madaxweyne-Kuxigenka-Jubaland-Gen-Cabdulaahi-Sheikh-Ismacil-Fartaag-by-Saadaal.com-.mp3]

Idale News ONline