Baydho(INO)-Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Iyo Barbaarinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Marwo Caziiza Maxamed Nuur Sheekh Ibraahim Oo Shir Ka Jaraa’id Ku Qabatey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa ka Hadashey Kormeero Ay ku soo sameysey Dugsiyada Ka Jira Degmada Baydhabo iyo Fasax Ciidul Addax.
Marwo Caziiza Maxamed Nuur Sheekh Ibraahim , ayaa Sheegtey, in iskuulada Degmada Baydhabo ay Yihiin Kuwa hadda roon Tayadad Waxbarashada isla markaana wada Shaqeeyn ka dhexeyso Muulmuuliyaasha Iskuulada iyo Weliba Wasaaradda Waxbarashadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale Waxay tilmaatey in Maalinta fasax Ee Ciidul Addax ay bilaabmayo Maalinta Beri oo ay tahay Maalinta Carafaad isla markaana uu dhamaan doono 29/9/2015, taaso ay sheegtey inay isla garteen wasaarada iyo Horjoogiyaasha Iskuulada Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baydhabo.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo