Dhageyso: Afhayeenka Malaaqyada KGS Malaaq Deeroow Oo Weeraray Siyaasada Guracan Ee Nicholas Kay ka wado Somalia

0
240

Baydhabo(INO)-Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo faragalinta beesha caalamka gaar ahaan wakiilka gaarka ah ee Somalia Nicholas Kay, Urur goboleedka IGAD iyo dowladaha deriska ee Itoobiya iyo Kenya  ee dhismaha maamulada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka hadley masuuliyiin isugu jirta madax ka socota maamulka KG Somalia, Ururada bulshada gobolada, siyaasiyiin iyo duubabka dhaqanka.

Malaaq Deeroow oo ka mid ahaa dadkii ka hadley banaanbaxii lagu taageeraayey mooshinka xildhibaanada dowlada dhexe ay ka gudbiyeen maamulka uu madaxda ka yahaya Axmed Madoobe iyo kaalinta isla markaasna lagu diidanaa faragelinta beesha caalamka ee siyaasada dhismaha maamulada dalka ayuu sheegay in aan marna maamulka KG iyo shacabkiisa u dulqaadan doonin wax uu ugu yeeray gacan bidixeyn iyo been dambe oo loo sheego.  Xaqa dalka deegaanada Jubooyinka iyo Gedo ay soo dhacsan doonaan goor kastaa oo ay ahaato.

Deerow

Khilaafka Maamulka Jubba iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa gaarey heerkiisii ugu sareeyey waxaana muuqata in masuuliyiinta iyo shacabka maamuladaasi ay idaacadaha isu marinayaan hadalo iska soo horjeedo oo kulkul oo koox weliba ay ku dooneyso in ay hamigooda siyaasadeed ee gobolka uu meel maro.

Halkan Ka Dhageyso

Ilaa iyo hadda ma muuqato cid ku howlan xalinta arrinta muranka uu keenay dhismaha maamulka Jubba oo koox gaar ah ay awoodihii goboladaasi fara maroorsadeen.  Waxaa kale oo jira oo kaliya dood uu barlamaanka ka leeyahay arrinta maamulka Jubba oo ay suurtogal tahay in xildhibaanada meel mariyaan amaba diidaan  sharci ahaanta maamulka kmg ee Jubba, taasoo laga yaabo in xaalada uga sii darto.

Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here