Dhagayso:Shacabka Jubooyinka oo Ku Dhawaaqay Dagaal Lala Galo Kenya

0
211

Ceelcade(INO)-Qaar ka mid ah shacabka dega gobolada Jubooyinka ayaa hada bilaaabay caro ay u qabaan dowlada aan deriska nahay ee Kenya iyagoo ku eedeeyay in ay xasuuqeen dad maato ah oo deganaa gobolka Gedo.

Qaar ka mid ah Shacabkaas oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxay sheegen in Kenya ay dhibaato u geysatay shacab somaaliyeed oo aan waxba galabsan iyagoo ku marmar siyoonaya in ay Al-Shabaab la dagaalamaya waxayna sheegeen in dowlada Kenya ay dooneyso in ay laayso shacab balse aysan la dagaalameen Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii shacab kaas oo u muuqday kuwo careysan ayaa waxay sheegeen in xiligaan wixii ka dameeyo ay bilaabi doonaan dagaal ay la galaan Ciidanka Kenya iyagoo ka bilaabi doono gudaha dalkaasi Kenya.

Dowlada Kenya ayaa duqeyn aan joogsi laheyn waxay ka wadaa degaano ka tirsan gobolka Gedo iyagoo sheegaya in ay bartilmaameed sanayaan Al-shabaab waxana la sheegay in ay duqeyeen goobo dad rayid ah ay deganaayeen.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Ceelcade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here