Dhagayso Xildhibaan ka waramaaya kulankii maanta loogu qeybiyey mooshinka R/W Saacid looga soo horjeedo

0
215

Xildhibaan ka mid ah golaha shacabka oo maanta goob joog ka ahaa kulankii buuqa iyo fowdada ku dhamaadey ayaa waxaa uu idaacada maxaliga ee gudaha dalka ugu waramey sida ay wax u dhaceen iyo weliba dareenkiisa ku aadan kulanka loo balansan yahay 30ka bisha November kaasoo codka xildhibaanada uga doodi doodaan mooshin ay 168 xildhibaan ay ka soo gudbiyeen R/W Saacid.

Dhageyso hadalka xildhibaan Nuur Jaamac Faarax : [audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/11/Xildhibaan-Nuur-Baadiyoow.mp3]

Kulanka Baarlamaanka maanta waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayadoo goobjoogna ay ka ahaayeen Gudoomiye ku xigeennada Koobaad iyo Labaad ee Baarlamaanka,Xildhibaannada soo xaadirey kulankana waxa ay gaarayaan 211 Xildhibaan.

barlamaanka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay furitaanka fadhiga Baarlamaanka ee maanta ayaa sheegay in Xildhibaanno tiradoodu gaareyso 168 Xildhibaan ay usoo gudbiyeen Gudoonka mooshin la xiriira codka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda sidaasi darteedna mooshinkan loogu qeybiyey XIldhibaannada Golaha Shacabka.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo kulanka hadallo kooban ka jeediyey ayaa codsaday in magacyada XIldhibaannada mooshinkan soo saxiixay lagusoo lifaaqo laakiin Gudoonka Baarlamaanka iyo xildhibaanno kale oo iyaguna kulanka ka hadlay waxa ay sheegeen in magacyada XIldhibaannada mooshinkan soo saxiixay la shaacin doono maalinta ay bilaabaneyso dooda mooshinka sida uu qabo qodobka 75aad ee Xoor Hoosaadka Golaha Shacabka oo oranaya mooshin laguma faafin karo golaha dhexdiisa iyo meel kale toona ka hor maalinta ay furmayso doodiisa.

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo kamid ah Xildhibaanada Barlamanka Soomaliya oo la hadlay mid ka mid ah idaacada Maxaliga ee gudaha dalka  ayaa sheegay Xildhibaanada maanta in la horkeenay mooshin aan dhamaystirnayn isla markaana aan wadan shuruudihii laga rabay.