Muqdisho(INO) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Shaacisay inay diiwaan-gelinayso shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka howlgala Muqdisho, iyadoo taliyaha booliska Somalia Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamuud uu xusay in diiwaan-gelintan ay muhiim u tahay sugidda amniga guud ee Somalia.
Taliyaha booliiska Soomaaliya ayaa intaas ku daray in tani ay keenayso in la si dhab ah loo ogaan karo meelaha ay dadku ka kala shaqeeyaan iyo howlaha ay magaalada ka qabtaan.
Qorshahan ayaa waxaa daah-furtay wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo arrimaha bulshada Dowladda Soomaaliya, iyadooo kulan looga hadlay arrintan lagu qabtay; isla wasaaradda lagu qabtay kulan arrintal ooga hadlayay, kaasoo ay ka qaybgaleen wasiirro iyo taliyeyaal ciidan.
Saraakiisha ha’yadaha amniga dalka ayaa sheegay in tani ay noqonayso mid looga hortegi karo amni-xumada Muqdisho, waxaana tani kaabaysaa diiwaankii ay horay dowladdu u haysay ee Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Somalia.
Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Somalia, C/weli Sheekh Ibraahim Muuddeey oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in hay’adaha amniga dowladdu ay kala qaybqaataan howshan diiwaan-gelinta ah; maadaama ay salka ku hayso arrimaha amniga.
Ugu dambeyn, taliyaha nabadsugidda Soomaaliya, Jen. C/raxmaan Tuuryare ayaa isna ka sheegay goobta inay muhiim tahay in la diiwaan-geliyo shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay, taasoo uu ku macneeyay inay qayb ka qaadanayso sidii loo sugi lahaa amniga
Idale News Online, Muqdisho