DhageysoBBC: Ciidammo ka Gadooday Maamulka Puntland iyo Taliyaha Ciidankan Hoggaaminaya Oo Ka Hadlay

0
211

Garowe(INO) — Ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa ka gadooday ciidamada, kuwaasoo dibadda uga baxay magaalada Garoowe, iyadoo lasoo sheegayo inay deegaanno ka tirsan Gobolka Nugaal isku hor-fadhiyaan askar ka tirsan ciidamada Puntland.

Ciidammo_Magaalada_Garoowe

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Puntland, Muxyadiin Axmed Muuse oo Ciidankan hoggaaminaya ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in ciidamadiisa sababta ay uga gadoodeen maamulka Puntland ay tahay xuquuq la’aan.

Halkan Ka Dhageyso.

“Sababta aan u Gadoodnay waa Xuquuq la’aan, Waayo Ciidamadan wax Mushaar ah ma Qaadan muddo dheer, ciidamada qaarkoodna xuquuqdooda way helaan, marka taas ayaa keentay inaan gadoodno,” ayuu ku yiri Muuse wareysigiisa.

Taliyaha iyo ciidamadiisa oo markii hore kasoo gadooday Galgala ayaa xiisadoodu waxay taagnayd muddo dhowr bilood ah, iyadoo Ciidamadaan Gadooday iyo kuwo daacad u ah maamulka Puntland ay isku hor-fadhiyaan degmada Eyl.

“Ciidamada aan hoggaaminayo ee gadooday waa dhowr boqol oo askari, waxaana markii aan ka baxnay Garoowe dhibaatooyin kala duwan loo geystay xaasaskeenii, arrinta aan u gadoodnayna muddo ayaa laga wada-hadlayay heshiisna waa laga gaari waayay,” ayuu yiri taliye ku xigeenka booliiska Puntland.

Mar la weydiiyay in sababta uu u gadooday ay tahay ruux uu madaxweyne C/weli Gaas xilka ka qaaday ayaa arrintaas beeniyay, isgaoo sheegay in xilka la iska qaadi kara. Wuxuu kaloo gaashaanka ku dhuftay in sababta uu u gadooday aysan ahayn in xilka laga qaado.

“Anigu inkastoo aanan warqad arag, haddana shan bilood ka hor ayaa xilka la iga qaaday. Sababta aan u gadoodnayna waa mid xuquuqda ciidamada la xiriirta,” ayuu hadalkiisa ku daray Muuse.

Ugu dambeyn, taliye ku xigeenka ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in arrinta taagan ay go’aan ka gaari karaan waxgaradka iyo culummada Puntland, isagoo ku xusay hadal-kiisa in ciidamada uu hoggaaminayo uu muddo dheer xakameynayay si aanay u dhicin dhibaato.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here