Muqdisho(INO)-Iyadoo dalka Somalia ay kusoo qulqulayaan Qaxooti farabadan oo kasoo barakacay dagaalada ka socda dalka Yaman, ayaa waxaa arrintaasi walaac ka muujiyay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Xukuumadda Federalka.
Wasiir Abdisalan Omar Hadliye, ayaa sheegay in DF Somalia ay ka digeyso khatar kaga imaado dhanka Maleeshiyaadka Xuutiyiinta iyo Daacish oo iminka ku sal balaarsanaaya Caalamka intiisa kale.
Wuxuu sheegay in DF ay walaac ka muujineyso in Qaxootiga Yamaniinta iyo kuwa Soomaalida ee kusoo qulqulaaya dalka, ay kusoo dhex dhuuman karaan Maleeshiyaadkaasi oo gabaad ka dhiganaaya Qaxootinimo.
Wasiir Hadliye oo wareysi gaar ah siinaayay Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa sheegay inaysan kala aqoonin dadka Soomaalida ee ka soo laabanaya Yeman, kana welwelsan yihiin Qaxootiga soo laabanayo.
Nuqul kamid ahaa hadalka wasiirka ayaa waxa uu ahaa ”Ma kala garan karno dadka dib u soo labaanayo. Soomaalida xag-jirka noqday waa soo laabanayaan. Yemeniyiinta ay xagirka ka dhigeen Daacish iyo Alqaacida dib wey u soo laaban karaan. Waa arrin u baahan in laga hortago”
Dhanka kale, waxa uu Hay’adaha amaanka DF Somalia ugu baaqay inay ka feejignaadan Khatarta kaga imaankarta Qoysaska isugu jira Yemaniinta iyo Soomaalida ee dalka dib ugu soo laabanaayo.
Idale News Online, Muqdisho