Kismaayo(INO)-Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dawladda faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdi Eynte ayaa maanta booqday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah u ah dawladda Jubba, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey dhigiisa dawlad gobaleedka Jubba, oo ay isla soo qaadeen qodobo badan oo la xariira arrimaha Qorsheynta iyo waxyaabaha uga baahan yihiin Jubaland dawladda Soomaaliya.
Ujeedada Wafdiga Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Soomaaliya ee Kismaayo ayuu ku sheegay, sidii ay latashi ugala sameyn lahaayeen dawlad gobaledka Jubaland, baahiyaha ay uga baahan yihiin dawladda Dhexe ee Soomaaliya.
Dejinta qorshe mideysan oo ay leedahay Soomaaliya ayaa kamid ah waxyaabaha sida gaarka ah uga wada hadleen labada wafdi, waxaana ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan horumarinta dalka.
Mr, Eynte ayaa sheegay in ay dawladda Soomaaliya ka go’an tahay diyaarinta qorshe Qaran oo ay leedahay Soomaaliya, kaas oo laga talagaliyo dhamaanba dhinacyada Siyaasada iyo Ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya.
Qorshahan ayaa qeyb ka noqonaya qorshayaasha Beesha Caalamku ay ku taageeri doonaan dawladda Soomaaliya ee loo yaqaano Hiigsiga Cusub.
Dawladda Soomaaliya ayaa bilowday sannadkii udambeeyey waqtigeedii in ay dawlad gobaleedyada la gasho heshiisyo, isla markaasna kala hadasho sidii wax looga qaban lahaa arrinta Soomaaliya iyo doorashada laga filayo dawladda sannadka nagu soo aadan ee 2016-ka.