Degmada Afgooye: Amiir Katirsanaa Shabaab & 20 Ilaaladiisa Oo Saaka Ciidanka Dawlada Gacanta Ku Dhigeen

0
297

Ciidan katirsan Dawlada Soomaaliya ayaa waxay weerar qorsheysan Saaka Kula jarmaadeen Duleedka Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Waxaa la sheegay in Sargaal sare oo katirsan Al Shabaab iyo Labaatan katirsan Ilaaladiisa howlgalkaasi lagu qabtay,markii guri ay kusugnaayeen loogu galay.

Qof diiday in magaciisa la xigto ayaa usheegay Idaacad maxali ah oo ku taalla Muqdisho in Howlgalka uu cabsi ku abuuray dadka tuulada deggan,kuwaas oo muddo xaalad cakiran wajahay.

Sargaalka Shabaab Ee La qabtay ayaa magaciisa dadka deegaanka ay ku sheegeen Yuusuf Xasan,waxaana uu ahaa Amiirka Tuuladaasi Shabaab uqaabilsanaa.

Ciidamada Howlgalka fuliyey waxaa la sheegay in xubnaha Shabaabka ay qabteen la aadeen Degmada Afgooye,iyadoo aysan jirin warar kale oo la helayo.

Tuulada howlgalka laga fuliyey waxaa ay 8 KM ujirtaa Wanla weyn dhinaca Afgooye markii la joogo,waxaana deegaankaasi ku xooganaa Al Shabaab sida la sheegay oo habeenkii ayey maamulaan halkaasi.

Taliska Meliteriga Dawlada weli kama aysan hadlin howlgalkaan laga fuliyey Afgooye Saaka iyo faah faahin hadii ay ka bixinayaan wixii ay kala soo kulmeen duulaankoodii qorsheysanaa.