Degdeg:dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee ciidanka Soomalia

0
196

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,iyadoo munaasabad lagu weynayo maalintaasi lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay kana dhaceysa xarunta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil Ciidan,waxayna munaasabadda qaban qaabadeeda hadda ka socotaa xaruntaasi.

Madaxda dalka iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa Hambalyo ku aadan sanadguurada 48-aad ee aas-aaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed u diray Sareeyeyaasha,Saraakiisha,Saraakiil Xigeenada,Alifleyda iyo dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la aas-aasay 1970kii ayaa waxay qeyb ka yihiin Ciidamada Qaranka uu dalka leeyahay,iyagoona si gaar ah uga howlgala gacan ku heysta Xabsiyada iyo dhaqan celinta maxaabiista.