DEG DEG:Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Kolonyo Ay La Socdeen Saraakiil Imaaraadka Carabta ka Tirsan

0
244

Muqdisho(INO)— Qarax xoogan ayaa goor dhoweyd ka dhacay degmada Hodan, kaasoo ahaa mid ismiidaamin ah oo lagu weeraray kolonyo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta.

breakingIdaleNews

Wararka ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray kolonyo Diblomaasiyiin iyo saraakiil Imaaraadka Carabta ka tirsan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhshay weerarkaas, iyadoo qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho.

Imaaraadka Carabta ayaa taageero siisa dowladda Federaalka, waxayna dhowaan ugu deeqday qalab milateri oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka, sidoo kale xero lagu tababaro ciidamada ayay dhowaan ka dhistay magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Saraakiil iyo diblomaasiyiin ka socota Imaaraadka Carabta oo uu ku jiro Safiirka Imaaraadka Carabta ay u soo magacawday Soomaaliya.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here