Leego(INO)-Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa aroornimadii hore ee saakay weerar saf ballaaran leh waxay ku qaadeen Xerada Ciidanka Amisom Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka, ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay afaafka hore ee Xeradaasi, waxaana xigay ciidan xoogan oo dagaal toos ah ku soo qaaday Ciidamadii Amisom ee Xerada ku sugnaa.
Labada dhinac, ayaa muddo muddo saacad ku dhow ku dagaalamaayay halkaasi, waxaana la soo sheegayaa in Ciidanka Midowga Afrika xoog loogala wareegay gacan ku haynta Xeradaasi.
Leego oo ka tirsan Degmada Wanlaweyn, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay ku dhaqaaqeen ciidan xoogan oo ka kala tirsan Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Somaliya. Si Shabaabka looga saaro halkaasi.
Sarkaal Ciidanka Militariga Somaliya ka tirsan, ayaa sheegay inay wadaan abaabul ka dhan ah Shabaabka ku soo duulay Deegaanka Leego.
Rasaas aan xooganayn, ayaa waxaa iminka laga maqlayaa Deegaanka Leego. Lama garanaayo inay Shabaabku isaga bixi doonaan iyo in kale, balse tani ayaa waxay walaac xoogani ku keentay dadka reer Leego.
Bulshada oo qaarkood hurdaba looga kiciyay rasaas xoogan, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo qaarkood isaga cararaaya guryahooda. Dadku ma garanayaan halka ay u cararayaan.
Shacabka reer Leego, ayaa weerarkii saakay waxay ku sheegeen mid leesku adeegsaday hub aynaan muddooyinkaanba maqal, isla-markaana uu u muuqday mid si weyn loo soo qorsheeyay.
Ururka Al Shabaab, ayaa tan iyo markii bisha Ramadan ay curatay, waxay bilaabeen inay qaadaan weeraro waaweyn, oo ay la beegsanayaan dhinacyada ka soo horjeedo.