Digniintaas oo kuwajahan in mar kale magaalada aysan ka dhicin falal keeni kara amni daro gaar ahaan dagaal halkaasi ka dhaca, xilli labadii maalin ee lasoo dhaafay Banaanbaxyo ay ka dhaceen Magaalada Baydhabo Janaay
Ciidanka Ethiopia ayaa la sheegay in digniintooda ay ku wajahneyd xubno gaar ah oo lagu eedeyey inay qeyb weyn ay ka yihiin abaabulka iyo kicinta shacabka Baydhabo ku sugan gaar ahaana inay ku lug lahaayeen dibadbaxyadii labadii maalin ee lasoo dhaafay Baydhabo ka dhacay.
Xubnahaasi waxaa la sheegay inay kamid yihiin Cabdi Fitaax Geesey oo kamid ah wasiirada maamulka lixda gobol Shiine Macalin Nuurow iyo shaqsi kale oo lagu magacaabo Sandheere mad aftiin
shabakadda Idale News Online ayaa ogaatay dibadbaxyadii ka dhacay labadii maalin ee lasoo dhaafay Magaalada Baydhabo inuu amar ku bixiyay in la dhigo C/fataax Geeseey oo Madoobe Nuunoo Maxamed u magacaabay Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Maamulka lixda Gobol.
Ciidamada Ethiopianka ee Baydhabo jooga ayaa ku hanjabeen sida la sheegay in talaabo ay qaadi doonaan hadii falalkaasi ay sii socdaan sida wararka aan heleyno ay sheegayaan.
Magaalada Baydhaba ayaa waxaa ka taagan xiisad la xiriirta arimaha maamul u sameynta sadexda Gobol oo dad badani ay kasoo horjeedaan. Waxaana xiisadaasi la sheegay inay yihiin kuwa lasoo abaabulay oo siyaasiyiin ay ka dambeeyaan sida la sheegay.
Tan iyo markii Soomaaliya ay qaadatay nidaamka federaalka oo aysan waxbadan shacabka ka fahansaneyn, ayaa waxaa soo badanaye khilaafyada ka dhalanaya Federaalka oo shacabka iyo siyaasiyiinta fahan badan ka haysan qaarna si qaldan ay ufahmeen.