Baydhabo(INO)— Madaxda Soomaalida iyo Beesha Caalamka ee shirka uga socda magaalada Baydhabo ayaa ku heshiiyay qodobo horu dhac oo ku saabsan doorashada Soomaaliya, iyadoo lagu wado in gelinka dambe ee maanta war murtiyeed laga soo saaro shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee Hoggaamiyeyaasha Soomaalida.
Sida ay sheegayaan wararka Madaxda iyo Beesha Caalamka ayaa ku balamay in doorashada ay dhacdo xilligii loogu tala galay ee Agosto, iyadoo aan hal maalin laga dib dhaceyn, waxaana tani meesha ka saareysa wararkii sheegayay ee ahaa in doorashada dib loo dhigayo illaa December.
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi galinta Bulshadda Koofur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in qodobo horu-dhac ah la gaaray, isagoo intaa ku daray in wax ka bedel lagu sameeyay Guddigii doorashooyinka uu magacaabay Madaxweynaha.
“Qodobo horu dhac ah oo Beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliyeed ay gaareen baa jirta, gelinka dambena waxaa soo bixi doona war murtiyeed rasmi ah, waxaa la isla gartay in doorashada ay waqtigeeda dhici doonto, Guddigoo doorashooyinka ayaa laga saaray Wasiiradii Xukuumadda iyo kuwii Maamul goboleedyada”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed oo la hadlayay Idaacada BBC-da.
Waxaa uu sheegay in kulan weyn oo dhex maray Madaxda Soomaalida, Haweenka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, kaasoo looga hadlay sidii Haweenka qoondadooda 30% loo xaqiijin lahaa.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in shirka Baydhabo kadib looga dareeri doono doorashada, isla markaana aanay jiri doonin shirar kale oo Madasha Wada-tashiga Qaran.
Haweenka ayaa la sheegay inay 80-Xildhibaan ka helaan labada Aqal ee Baarlamaanka, isla markaana si rasmi ah loo xaqiijiyo.
Ugu dambeyntii, Goobaha doorashooyinka ka dhici doonaan ee magaalooyinka Maamul goboleedyada iyo magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in Beesha Caalamka inay bixin doonto qarashaadka ku bixi doono.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay