Muqdisho(INO)-Rag Bistoolado ku hubeysnaa ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Afgooye ku dileen Qasnajigii hore ee maamulka degmadaasi.
Mas’uulka la dilay oo lagu magacaabayay Cabdullaahi Xasan Farey ayaa markii la dilayay waxa uu ku suganaa goob laga cunteeyo oo degmadaasi ku taallay, waxaana dilka ka dib halkaasi isaga baxsaday ragii falkaan ka dambeeyay.
Wariye Ku sugan degmada ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in ciidamada amaanka oo halkaasi gaaray ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii falkaasi ka dambeeyay, inkastoo aanay jirin dad ay soo qabteen.
Dilalka loo geysanayo dadka la shaqeeya maamulka degmada Afgooye ayaa halkaasi kusoo badanaya, waxaana horay sidaan oo kale loogu dilay degmada askar iyo xubno ka mid ah dadka canshuurta qaada.
Idale News Online, Muqdisho.