DEG DEG:Qarax Xoogan oo Ciidamada Itoobiya Lagula Eegtay Degamada Rabdhuure Ee Gobolka Bakool

0
623

Rabdhuure (INO)— Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Qarax Xoogan oo ka dhacay Degaanka Rabdhuure ee Gobolka Bakool.

Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya waxaa lagula eegtay Degaanka Rabdhuure ee Gobolka Bakool.

Qaraxa kadib ugu yaraan 3 Ruux ayaa dhintay ka gadal markii Rasaas xoogan ay fureen Ciidamada Itoobiya. Dadka dhintay ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen Shacab.

Goobjooge la hadlay IdaleNews.com ee Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in Qaraxa uu khasaaro burbur ah gaarsiiyay Kolonyadii ay la socdeen Ciidamada Itoobiya.

Qaraxan ayaa waxuu dhacay xili Ciidamada Itoobiya ay doonayeen in ay markale dib u qabsadaan Degaanka Rabdhuure maadaama halkaasi ay isaga baxeen Xarakada Al Shabaab.

Inta badan Qaraxyo ay mas’uuliyadoodu sheegtaan Xarakada Al Shabaab ayaa lagu beegsadaa Xoogaga Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Degaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaa