Baladweyne (INO)—Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Weerar Xoogan lagu qaaday Xerada Ciidamada Itoobiya ee Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Weerarkan ayaa ku bilaawday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee Xerada Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka howlgalka AMISOM, waxaana intaasi kadib Xerada gudaha u galay Kooxo hubeysan.
Qaraxyo iyo Rasaas xoogan ayaa weli laga maqlayaa gudaha Xarunta Ciidamada Itoobiya, waxaana socda iska horimaad culus oo u dhaxeeya labada dhinac, sida Dadka Degaanka ay sheegeen.
Deegaanka Halgan waxaa 75-Km uu dhanka Koonfureed kaga beegan yahay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan ee bartamaha Dalka Soomaaliya.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Weerarkan maadaama weli la maqlayo rasaas iyo Qaraxyo, waxaana adag in la ogaado khasaaraha labada dhinac gaaray.
Weeraro ka la mid ah ayaa horey waxaa loogu qaaday Xarumo Ciidamada Uganda, Burundi iyo Kenya ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.
Halkan ka dhageyso Qof Degaanka ah oo sharaxaya Weerarkaasi
Idale News Online, Muqdisho