DEG DEG:Malaaq Mad sabarow Oo 50 sano Ahaa Malaaqa Beesha Eylo Oo Lagu Dilay Magaalada Baydhabo

0
486

Baydhabo(INO)__Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa Habeenkii xaley Lagu diley labo Qofood oo Midkood yahay Malaaq aad Caan ugu ah Koonfurta Soomaaliya , Malaaq ayaa layiraahdaa Malaaq Madsabarow iyadoo sidaasoo kale Magaalada lagu dilay Ninka kamid ah Shacabka  magaalada Baydhabo oo layiraahdo Kalifowye .

Lamana oga cida falkaasi dilka ah ka danbeysa oo lagu dilay Malaaqa iyo Ninka rayidka ah.

MADMagaalada Baydhabo ayaa maalinba maalinta kadanbeysa waxaa ka dhacay dilal loo geysanayo Nabadoonada , Culamaa’udiinka iyo waxgaradka , iyadoo ilaa iyo Hada aan jirin cid loo soo qabtey , Magaalada waxaa Jooga Ciidamo AMISOM iyo  Ciidamada Dowlada Soomaaliya  kuwaasoo Markii dil uu dhaco ay qabqabtaan Dhalinyaro tira badan .

Maxamed Xasan Aadan oo kamid ah Aqoonyahanada Gobalka ayaa Warbaahinta u sheegey in wax Maamul aysan Ka Jirin Gobalka Bay , Iyadoona Habeen waliba Dil ka dhaca Magaalada Baydhabo isla markaana  lala beegsanaayo Culamada iyo Nabadoonada  ,  mana jirto Talaabo lagu Badbaadinayo shacabka Mar waliba lagu dilayo Guryahooda.
Ugu dambeyntii, Magaalada Baydhaboa ayaa amaankeedu sii xumaanayay  bilihii ugu dambeeyey iyadoona magaaladaasi horey looga diley tiro dad ah oo ay ku jiraan Malaaqyo, culumaa’udiin, iyo  wariye Da’uud Cali Cumar, isla markaana Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya aysan  sameynin qorshe lagu sugaayo amaanka Magaaladaasi.
 
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here