DEG DEG:Madaxweynihii Hore ee Dalka Masar Maxamed Mursi Oo Xukun Dil Ah Lagu Xukumay

0
192

Cairo(INO)-Maxkamad ku taalo dalka Masar ayaa ku xukuntay dil toogasho Maxamed Mursi Madaxweynihii Masar sababo la xiriira arimo la xiriira xabsi uu ka baxsaday kacddoonkii 2011-kii.

breakingIdaleNews

Mursi ayaa lagu eedeeyay isaga iyo Hogaamiyaal kale oo Ikhwaan ah in ay ka baxsadeen Xabsiga kadib markii Maleeshiyaad dibadda uga yimaadeen kuwaas oo gacan ku siiyay baxsadka.

Musri ayaa horay loogu xakumay 20 sano oo xarig ah kadib markii maxkamad ku heshay in dibad baxayaal lagu dilay laguna jir dilay xarunta Madaxtooyada.

Dalka Masar waxaa kaloo dil toogasho lagu xukumay Muftiga Ikhwaanka Maxamed Badiic iyo rag kale oo Ikhwaan ah.

Mursi waxaa xukunka laga tuuray kadib markii Kacdoon kale dalka Masar ka dhacay sanad markii uu Madaxweyne ahaa 30 June 2013-kii.


Idale News Online, Cairo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here