Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Oo ka Hadlay Weerarkii Mubaarak iyo Aw-dheegle

0
230

Muqdisho (INO) — Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka, Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa ka warbixiyay weerarkii ay Al-shabaab gudaha ugu gashay degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose; halkaasoo horay fariisin ugu ahayd ciidamada AMISOM ee garabka siiya dowladda Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay inay ciidamada dowladda ka hortageen weerarka ayna Al-shabaab dib ugu celiyeen deegaanka Toora-tooroow oo uu sheegay inay kasoo duuleen marrkii hore..

“Ciidamada dowladda waxaa ka dhintay hal askar, mid kalena dhaawac ayaa naga soo gaaray, balse Al-shabaab waxaan ka dilnay saddex, tiro kalena dhaawac ayaan ka gaarsiinnay,” ayuu yiri Jen. C/risaaq Khaliif.

Sidoo kale, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ayaa intaas ku daray in ciidanka dowladda ay gacanta ku hayaan degmooyinka Awdheegle iyo Mubaarak oo shalay ay gudaha u galeen xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab.

“Waxaa lagu jira qorshe ballaaran oo looga hortagayo sidii waddanka oo dhan looga saari lahaa Al-shabaaab, dhawaanna waxay shacabka Soomaaliyeed maqli doonaan wax dhega-hoodu ku farxaan” ayuu abaanduuluhu yiri.

Ugu dambeyn, taliye ku xigeenka ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in AMISOM iyo ciidamada dowladda ay wadaan qorshayaal ay ku weerarayaan goobaha ay weli ku sugan tahay Al-shabaab inkastoo uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee howlgalka ay billaabayaan.

Hadalka abaanduulaha ayaa imaanaya xilli Al-shabaab ay shalay gudaha u gashay Aw-dheegle iyo Mubaarak, kaddib markii ay isaga carareen ciidamadii dowladda ee ku sugnaa degmooyinkaas, iyadoo aysan jirin khasaare shacabka soo gaaray.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here