Dowladda Soomaaliya ayaa Dowladda Qadar ka Guddoontay 30 gaadiid oo nooca Landcroser-ka ah ,kuwaasi oo loogu talagaly Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kadib munaasabad kooban oo maanta ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa gaadiidkan Ciidan ka guddoomay Danjiarah Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Eng. Xasan Bin Xamza,iyadoo uu goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo mas’uuliyiin kale.
Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa dowladda Qadar uga mahadceliyay dowrka ay ku leedahay Taageerida dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda.
“Waxaa mahad iska leh Alle Subxaanahu watacaalaa,intaasi kadib waxaan rabaa in hortiina aan uga mahadceliyo Dowladda Qadar,safar aan dhawaan ku tagay Dalkaasi Qadar waxaan la kulmay Ra’iisul wasaaraha Dalka Qadar ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Sheekh Cabdalla C/naasir Bin,wuxuu balanqadaay in uu taageero Dowladda Soomaaliya,taageeradaasi ayaa bilaabatay,waxaana maanta aan ka guddoonay 30 baabuur nuuca Landcroser ah,kuwaasi oo loogu talaglay Ciidanka Booliska”.Ayuu yiri Wasiir Islow.
Dowladda Qadar ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya,sida fulinta mashaariic horumarineed iyo kuwo gar-gaarka bani’aadanimada la xiriira.