DEG DEG+Dhageyso:Wasiirka Cadaalada Maamulka Puntland Ismaaciil Maxamed oo Is-casiley

0
256

Garowe(INO) Wasiirka Cadaalada Maamulka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa saaka ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii wasaradda, ka dib shir jaraa’id uu warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa.

minster

Ismaaciil Maxamed Warsame oo is-casiladiisa u sababeeyay in madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa isku maandhaafeen sii joogitaankiisa ayaa sidoo kale sheegay in mudo 8-bilood ah aysan si nadiif ah u helin xaquuqdii ay la haayeen.

Waxay kusoo aadaysaa Is-casilaada Ismaaciil xilli si weyn Puntland looga hadal hayo isku shaadhayn uu madaxwayne Gaas ku samayn doono gollihiisa wasiiradda, taasoo marar badan dib u dhacday.

Waxaa la hadal hayaa isku shadhayntani inay ku tagi karaan wasiiro ay ka mid yihiin waxbarashada,Maaliyadda,Ganacsiga,dekadaha iyo Kalluumaysiga.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here