Muqdisho(INO)- Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay keenayaan Mooshin ay ku dalbanayaan in xildhibaanadii shanta ahaa ee doorashadooda la qaadacay in la fasaxo.
Xildhibaanada ayaa sheegay in ay haboon tahay in shantaasi xildhibaan aan laga reebin baarlamaanka ,islamarkaana aan lagu laaban doorashadooda.
Waxaa ay sheegeen in ay soo diyaarinayaan Mooshin ay ku dalbanayaan in la fasaxo shantaasi xubnood. Mudanayaasha ayaa sidoo kale tilmaamay hadii lagu laabto doorashada shantaasi xildhibaan in ay keenikaro dhibaato.