Muqdisho(INO)- Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxtinimo ee Dalka oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hadii uu ku guuleysto xilka Madaxtinimo ee Dalka uu ka shaqeynayo Isku Xerka Shacabka iyo Dowladda.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la helo Dowlad Shacabkeeda ku dhex jirta oo ka warqabta islamarkaana ka shaqeysa danta Dalka iyo Dadka.
Mr. Farmaajo ayaa waxa uu sheegay isbedelka uu wado in uu yahay shacabka iyo Dowladda in uu isku xiro, sidoo kalena shacabka laga talo geliyo hormarka dalka, maadaama Farmaajo uu taageero lixaad leh ka helayo shacabka Soomaaliyeed.
Musharax C/llaahi Farmaajo ayaa Xildhibaanada golaha Shacabka ku amaanay go’aankii ay shalay ku diideen Miisaaniyada Saddexda bilood oo ay soo diyaarisay Wasaarada Maaliyada Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in go’aankaasi Baarlamaanka ay ku saxsanaayeen maadaama sida uu sheegay aysan wax Mushaar ah qaadan bilooyinkii la soo dhaafay Ciidanka iyo Shaqaalaha Dowladda.