DEG DEG+Dhageyso: Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Shaaciyay inuu is casilay

0
193

Garoowe(INO) Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Xassan Soocade ayaa goor dhaweyd is casilay, waxaana uu sheegay inuu xilka u banayeeyay arrimo isaga u gaar ah.

Maxamuud Xassan Soocade ayaa sheegay inuu Waraaqda is taqaalada uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland, waxaana uu tilmaamay inuu uga aqbalay si wanaagsan.

Wasiirka Warfaafinya ayaa sheegay inuusan jirin khilaaf kala dhexeeya Madaxweynaha ama ku xigeenkiisa, balse uu isu sacilay arrimo khaas oo isaga khuseeyay.

”Colaad aniga iyo Madaxweynaha ama ku xigeenka noo dhexaysa kuma imaan, wuxuu ku yimid arrin aniga shaqsiyan ii gaar ah”, ayuu yiri Maxamuud Xassan Soocade.

Halkan Ka Dhageyso