Muqdisho(INO)- – Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shaaciyay in uu u tartamayo Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay 4-ta sano ee soo socoto in uu ku guuleysto hogaaminta kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Mr. Xidig ayaa sheegay in uu doonayo in uu la yimaado isbedel siyaasadeed oo dhab ah, lana Xiriira Hogaanka Maamulka Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig ayaa iska fogeeyay in uu Musharax u yahay cid gaar ah, maadaama maalmihii u dambeeyay arrintaasi ay taagneyd.
Maalmaha Taariikhdu ay ku beegan tahay 11-ka ilaa 12-ka Bishan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in ay ka dhacaan Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.