Guracel(INO)-Wararka ka imaanaya deegaanka Guriceel ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka bilaawdeen bartamaha deegaankaasi.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka Ahlusuna ay weeraro kula jarmaadeen xarumaha ciidamada dowladda -ka ku leeyihiin Guriceel.
Jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayaan ayaa deegaanka laga maqlayaa,goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalka ugu culus uu ka socdo agagaarka saldhigga deegaanka iyo Koontaroolka dhanka wadada laamiga ah ee dhanka Dhuusamareeb.
ciidankii Ahlusuna ayaa dagaal ugu jira sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen Guriceel oo bil ka hor ay ka qabsadeen maleeshiyaad taabacsan Xuseen Wehliye Cirfo oo Dowladda ugu magacaaban guddoomiyaha Galguduud.
Idale News Online, Guracel