DEG DEG:Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka socda galbeedka Beledweyn

0
203

Baledweyne(INO)— Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa saaka ka qarxay galbeedka magaalada Beledweyn, gaar ahaan xaafada Howl-wadaag, iyadoo dagaalkan uu saameeyay dhaq dhaqaaqii iyo isu socodka.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa labada dhinac isu adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo la maqlayo rasaas.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay ka cabsi qabaan in dagaalka uu ku sii fido xaafado kale.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka magaalada Beledweyn oo ku aadan dagaalka saaka ka socda xaafada Howlwadaag, hase ahaatee odayaasha deegaanka ayaa isku dayaya inay dagaalka joojiyaan.

Maalin ka hor ayay aheyd markii dabley hubeysan ay galbeedka magaalada Beledweyn ku dishay askar ka tirsan ciidanka dowladda, waxaana dhowr jeer oo hore xaafada howl wadaag ka dhacay iska hor imaadyo.

Idale News Online, Baledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here