Daawo: Maxaa U Qabsoomey Maamulka Gobolka Bay iyo Kan Degmada Baydhabo

0
205

Baydhabo(INO)- Gudoomiya degmada baydhabo iyo kan Gobolka Bay ayaa maanta ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigayey waxqabadka mudada sanad iyo bar ahayd ee socday mashruuca Danwadaag oo ka howlgala magaalaa Baydhabo.

Munaasabada lagu soo bandhigayee waxqabadka mudadii ay socdeyn mashaariicdaas oo loogu magacdarey Danwadaag oo ka dhacdey Hotel Bakiin ee magaalada baydhabo ayaa waxaa ka soo qeyb galey wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka koonfur galbeed,gudoomiya gobolka ,golaha aqoonyahanada, gudiga task force, gudoomiyasha xafadaha iyo qeebaha kala duwan Bulshada
Munaasabada manta ayaa waxa ay ahayd hay’ada DDG oo fulinaysay mashruuca danwadaag ku wareejisay gudoomiyaha degmada Baydhabo ahna Duqa magaalada mudane Cabdullahi Cali Watin furiyaasha dhismayaal lix MCH iyo labo Iskuul D/Hoose, D/ dhaxe iyo dugsiga sare, 2- ceel biyood ah nooca leh barkada weyn  Lix kamid ah xaafadaha waxa ay dalbadeen MCH goob caafimaad lagu daryeelo Hooyada iyo Dhalaanka , halka 2 xafad aydalbadeyn in loo dhiso ceel biyoo nooca Barka Weyn leh ee kor u dhisan ee biyaha lagu keydiyo.
Gudoomiyaha dgmada Baydhabo aha duqa magaalada ayaa ka hadlay munaasabada ayaa ka mahadceliyee waxqabadka hay’ada DDG iyo waliba Bulshada Baydhabo oo iskaashatay isaga oo sidoo kale sheegay inay jiraan mashaariic kale oo lafilayo inay dhawaan bilowdaan sida dhismayaasha wadooyinka iyo Mashaariic kale.
Ugu dambeyntii, Waxaa u hadlay hayada DDG Aadan Saciid Keeraw kaa soo sheegay inay caqabado badan kala kulmeen Bulshada sabtoo ah uma baran dadku inay dhaqaalahooda galiyaan waxqabadkooda balse markii dambe ay fahmeen ayada oo ay bixisay hayada %80 dhaqaalaha ku baxay mashruuca danwadaag halka bulshada magaalada baydhabo ay bixisey%20 sidoo kale Adan keerow wuxuu amaan balaaran u soo jeediyey maamulka cusub ee sida ula sheeqeyeen inta howsha socotay.

i

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here