Garcad(INO)— Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ayaa saaka ka qarxay duleedka deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug, halkaasoo aheyd halkii todobaadkii hore dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay doonyaha kaga dageen.
Dagaalka ayaa ka socda deegaan lagu magacaabo Dabakaraale oo 18KM u jirta Garacad, waxaana lagu soo waramayaa in la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan Madaafiic.
Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Puntland oo ay horkacayeen Wasiiro iyo saraakiil ayaa tan iyo shalay ku qul qulayay deegaanka Garacad, waxaana la sheegay in ciidamadan ay weerar ku ahaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa duleedka Garacad.
Dagaalka cusub ee saaka ka bilowday duleedka Garacad ayaa noqonaya furin labaad oo dagaal oo Ciidamada Puntland ku furmay, kadib dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka socday Togga SUUJ.
Puntland ayaa sheegtay inay ka saartay Shabaabkii ku sugnaa Togga Suuj, isla markaana ay badankood aadeen meelo kale.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Idale News Online, Garcad