Muqdisho(INO)— Saddex askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ku geeriyootay, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax miino oo wadada dhinaceeda la dhigay lala eegto gaari ay la socdeen.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga oo ahaa kolonyo ay marayeen agagaarka deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Muqdisho, iyadoo miinada dhulka la geliyay oo ahaa kuwa meelaha fog laga hago uu la kacay mid ka mid ah gawaarida ay askarta la socdeen.
Halkan Ka Dhageyso.
Goob joogayaal ayaa sheegaya inay arkeen gaariga oo bur bur ka soo gaaray qaraxa iyo askar dhimasho iyo dhaawac isugu jiray oo lagu daabulayay gaadiid kale oo ay ciidamada wateen.
Wadada qaraxa lagula eegtay ciidamada ayaa aheyd goob inta badan horay gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM lagula eegtay.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa miino ee ay la beegsadeen gaari ay la socdeen ciidamada dowladda.
Idale News Online, Muqdisho