Daawo:Maxkamad Ku Taal Masar Oo Xaqiijisay Xukunka Dilka Ah Ee Maxamed Mursi

0
247

Qairo(INO)— Maxkamad ku taal dalka Masar ayaa maanta xaqiijisay xukunka dilka ah ee bil ka hor lagu riday Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Maxamed Mursi.

Halkan Ka Daawo.

Xukunkan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu aqbalay xukunka Muftiga ugu sareeya xaga diinta ee dalka Masar, waxaana Maxkamaduna ay maanta xaqiijisay xukunka dilka ah.

Maxamed Mursi iyo in ka badan boqol ruux ayay Maxkamadda bishii hore ee May ku ridday xukun dil ah, kadib markii lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen xabsi laga baxsaday sanadkii 2011.

Sidoo kale Maxamed Mursi ayaa qudhiisa ka mid ahaa dadkii la sheegay inay ka baxsadeen xabsigaas, xilligii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa Xusni Mubaarak.

Waxaa kaloo Maxkamadda ku eedeysay inuu u basaasayay Kooxda Xamaas ee Falastiniiyiinta, taasoo dhowaan Maxkamad ku taal Masar ka saartay liiska Argagixisada oo horay loogu daray.

Maxamed Mursi oo xabsiga ku duceysanaya, markii xukunka ku dhacay

Dhowr jeer oo hore ayay Maxkamad xukuno kala duwan ay ku ridday Maxamed Mursi, waxaana ka mid ahaa xabsi daa’in iyo xukun 20-sano xabsi ah.

Maxamed Mursi ayaa ahaa Madaxweynihii sida dimoqraadiga loo soo doortay, waxaana xukunka laga tuuray bishii July ee sanadkii 2013.

Madaxweynaha xilligan Abdel Fattah el-Sisi oo ahaa Taliyihii Ciidamada ayaa xukunka ka tuuray Maxamed Mursi, xabsigana dhigay 3-dii bishii July ee sanadkii 2013.

Idale News Online, Qairo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here