Mandheera(INO)-Wararka ka imaanaya Magaalada Mandheera Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab ay weerareen kolonyo uu la socday Gudoomiyaha Magaaladaasi.
Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Carabiya oo kuyaala Degmada Mandheera, waxaana la sheegay rag hubeesan oo katirsan Al-Shabaab in weerar gaadmo ah ku qaadeen Kolonyada oo la socday Gudoomiyaha Mandheera.
Cali Roba Gudoomiyaha Magaalada Mandheera ee weerarka lagu qaaday kolonyadii uu la socday ayaa la sheegay in Weerarka uu ka bad baaday balsé ay qasaarooyin kala duwan ay soo gaareen askartii la socotay.
Inta la xaqiijiyay Labo askari iyo nin kale oo sargaal ahaa ayaa la sheegay in Weerarkaasi lagu dilay, waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu gubay labo gaari halka gaari kalana ay afduubteen dagaalyahanadii weerarka ka dambeeyay .
Sargaal u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen Weerarka lagu qaaday kolonyada uu la socday Gudoomiyaha Degmada Mandheera uuna dirqi uga bad baaday,waxa uuna sargaalkan intaa raaciyay in ay dileen askar iyo dad kale oo la socday Gudoomiyaha Mandheera.
Al-Shabaab ayaa dhoor mar waxa ay weeraro kala duwan ka geesteen gudaha Dalka Kenya halkaas ay ku dileen askar iyo dad badan oo rayid ah, waxa ayna Dowlada Kenya dhawaan shaacisay in amaanka xuduudeeda ay adkeesay si aysan Shabaab uga soo gudbin.
Idale News Online, Mandheera,Kenya