Koox hubaysan, ayaa Maanta oo Tallaado ah ku toogtay Gudaha Muqdisho mid kamid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya, oo lagu magacaabi jiray Cumar Yuusuf (Bagadi).
Allah ha u naxariistee Marxuumka ayaa waxaa lagu dhextoogtay Gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Aargada ee Degmada Wadajir, halkaasi oo Saakay ay Rag Bastoolado ku hubaysan ku weerareen.
Sida Caadada ah waxaa si Nabad ah u baxsaday Dhagarqabayaashii dilay Marxuumka, iyadoo Ciidamada Dowladda Federaalka ay tageen Guriga uu Dilka ka dhacay kadibna sameeyay Howlgal aan Micno u sameynayn Ehelka Mas’uulka la qaarijiyay.
Lama oga Cida Dilka ka danbaysa, balse waxaa xusid mudan in Dilkan uu qeyb ka yahay Dilal Taxane ah oo ka socda Muqdisho, kuwaasi oo ay fulinayaan Kooxda Al shabaab.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa lagu dhaliiyay inay gudan la’dahay Waajibaadkeedii Qaran ee ah inay sugto Amaanka dalka & Muwaadiniinteeda, iyadoo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Todobaad kahor sheegay in Hay’adaha Amaanka Dowladda samaynayaan Howlgal lagu magacaabo “Nabad Ku Afur” oo hadda noqday Naxdin ku Afur.
Idale News Online – Muqdisho