DEG DEG: Ustaad Cadow Hillowle Oo Lagu Diley Magaalada Baydhabo

0
262

Baydhabo(INO)- Alle ha unaxariite, waxa xaley Gurigiiisa Lagu diley Ustaad Maxamed Cadow Hillowle oo ka Mid ah Culumada ugu Caansan Magaalada Baydhabo  Ee Xarunta Gobolka Bay.

Cadow hillow

Kooxo Hubeysan ayaa Xaley Guriigsa ku yaalla Xaafadda  Model ku dileen isagoona aan waxba galabsan kuwaasoo rasaas Shafka iyo Madaxa ay kaga dhufteen.

Kooxdaas, waxa sidoo kale ay dhaawcayo halis ah ay geysteen labo caruur ah uu dhaley Ustaadka.

Ustaad Maxamed Cadow Hillowle waxa uu ahaa Maamulaha Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Al ceyn  iyo Weliba Hormuudka Kuliyadda Daraasaadka Ee Jaamacadda Ganaany Ee Baydhabo.

Sidoo kale Ustaad Maxamed  Cadow Hillowle aya waxa uu ahaa Khadhiibka Masjidka weyne ee Jaamac Ee Mgaalada Baydhabo, isla markaana waxa uu aha qof xisood badan iyo weliba Ixtiraam badan, Alle ka cabsigana u dheer.

waxaa daqiiqodo ka hore Janansadiisa si weyn looga tukadey Masaajidka Jaamac Ee Baydhabo, iyadoona dhamaan Culumada iyo Waxgaradka Magaalada Ay ka qiib galeen.

Ugu dambeyntii, Lama garanayo Cida sida rasmi ah ugu dambeyso dilkiisa, Walow culumo badan lagu diley magaalada Baydhabo sanadkii tagey, kuwaaso lagu tuhunsan yahay inay ka dambeyso  dilalkooda kooxda Mayalka adag Soomaalida ah Ee Al-shabaab.

Inaaa Li laahi Wan inaa Ileyhi Raajicuun, Naf kasta, Marbey Dhimashadu dhadhamisa.

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here