Dhageyso: Kulamo Xasaasi Ah Oo Madaxda Maamul Goboleed-yada Uga Soconaya Kismaayo

0
230

Kismaayo(INO)- Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa kulamo xasaasi ah ku qaadanaya madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweynayaasha Jubbal, Galmudug, Puntland iyo Koofur Galbeed oo uu wehliyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulamadan ku qaadanaya Kismaayo.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in kulamadan intooda badan looga hadlayo shirka la filayo inuu ka furmo magaalada Kismaayo kaas oo go’aan looga gaari doono arimaha la xariira doorashada soo aadan ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulamadan looga hadlayaa sidii loo xalin lahaa khilaafyada udhaxeeya maamulada Galmudug iyo Puntland oo muran dhanka xaduudaha ah uu dhexyaal.

Madax katirsan beesha caalamka ayaa la ogaanayaa iney ku lug leeyihiin wadahadalada ka soconaya Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Madaxweynaha DF ayaa la filayaa in isaga iyo gudoomiyaha barlamaanka ay magaalada Kismaayo soo gaaraan.

Warar kale oo ay Saadaal.com heshay ayaa sheegaya in shirka uu furmi doono 12-ka bisha isla markaana ay madaxda kulamo gooni gooni ah sii yeelan doonaan.’

Ugu dambeyntii, Bayaan kasoo baxay madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan lagu cadeeyay in dalka uu geli doono marxalad siyaasadeed iyo kulamo xasaasi ah.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online,Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here