DEG DEG: Shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran oo in uu bur buro qarka u saaran

0
178

Muqdisho ( INO)-Warar ay heleyso Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sheegaya in fashil uu qarka u saaran yahay Shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran.

Arrintaan ayaa timid kadib markii maanta ay shirka isaga baxeen Madaxweynayayaasha maamullada Puntland iyo Jubbada , Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe.

Ilo ku dhow dhow Shirka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in la isku mari waayay kadib markii la soo jeediyay in dib loogu soo laabto hanaanka dhismaha Aqalka sare in lagu saleeyo Dastuurka KMG ee qeexaya in uu noqdo 54 Xubnood.

Ugu dambeyntii, Arrintaas ayaana la sheegay in ay u cuntami weysay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ugu dambeyn shirka isaga baxay.