DEG DEG: Shariif Maxamed Cabdalla Oo Ku Guuleystey Kursiga BFS Ee Aqalka Hoose

0
223

Baydhabo(INO)- Waxaa Goordhow Shariif Maxamed Cabdalla uu Ku guuleystey mid ka mid ah labada Kursi ee Beesha Asharaaf oo yaala Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Xildhibaanada Aqalka hoose ku soo baxay  Prof. Maxamed Sheekh Cismaan jawaari, Ugaas Cabdi wahaab Ugaas Xuseen, Xildhibaanad Fowziyo Sheekh Maxamed iyo Ibraahim Isaaq Yarow oo musharaxii la tartamayay oo aheyd haweeney ay tanaasushay.

Sidoo kale, Doorashada ayaa weli socota, iyadoo at musharraxiin badan ku tartamayaan 69-ka kursi ee la doonayo inay kasoo baxaan Koonfur-galbeed oo afar ka mid ah la doonayo inay haween noqdaan, sida at sheegeen guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.