DEG DEG : Shaqaale Ajnabi ah oo u dhashey dalka Kenya oo lagu afduubtay Muqdisho.

0
200

Muqdisho(Idale News Online)-Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in laga afduubtay meel ku dhaw isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ajaanib udhashay dalka Kenya.

Wararka waxay sheegayaan in ragga la afduubtay ay kaxeysteen ciidamo katirsan Dawlada Somaliya waxaana ilaa hadda aan la ogeyn sababta ka dambeysa qafaalkooda iyo waxa loola jeeday.

Xog kala duwan oo aan ka helnay wariyeyaal iyo dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in afduubka loogeystay raggaan kenyaanka ah ay ka shaqeynayeen meel shidaal laga qodayey.

Dawlada Somaliya gaar ahaan maamulka degmada Hodan gudoomiyaheeda Cabdi Warsame Dhabaneey oo aan la xiriirnay ayaan inoo suurta gelin iyadoo dhinaca kale dawlada Kenya aysan ka hadlin afduubka dadkaan dalkeeda udhashay.

breakingIdaleNews

Idale News OnLine, Muqdisho.