Muqdisho(Idale News Online)-Warar lagu kalsoon yahay oon ka helnay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in habeenkii xalay ay halkaasi ka dhaceen Shirar Xasaasi ah oo looga arinsanayay culeesyada badan ee kusoo kordhay Magacaabista Golaha Wasiirada.
Shirarka Xasaasiga ah ayaa inta badan ka kala dhacay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’izul Wasaaraha waxaana looga arinsanayay Mooshinka cusub ee Baarlamaanka ka keeneen in Golaha Wasiirada lagu soo daro Xubno kamid ah Golihii Wasiirada ee katirsanaa Xukuumadii Saacid.
Madaxweynaha ayaana xalay kulamo gaar ah la qaatay lataliyayaashiisa gaarka ah iyo Xubno katirsanaa Golihii Wasiirada ee Saacid iminkana la qorsheeyay in mar kale Noqdaan Wasiiro kuwaa uu kala hadlay Madaxweynaha sida looga gudbi karo culeesyada adag ee soo kordhay.
Xubnaha uu la kulmay Madaxweynaha ayaa isku raacay in aan dhag jalaq loo siin Mooshinka Baarlamaanka laguna dhawaqao Golaha Wasiirada isla maanta si dhaqsaba loogu kala daadiyo Xubnaha katirsan Baarlamaanka ee ololaha ugu jira Mooshinkan .
Ra’izul Wasaare Cabdi Wali oo hada u muuqdo nin la kulmaya Culeesyo adag ayaa isna la kulmay xubno ku dhaw dhaw dhaw waxa ayna isla lafa gureen xaalada adag ee ka taagan in uu soo dhiso Xukuumad uu u madax banaan yahay oo kasban karta Kalsoonida Baarlamaanka iyo tan Shacabka.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya waxaa suurto gal ah bay leeyihiin in maanta lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada ay ku jiraan Xubno badan oo horey uga tirsanaa Xukuumadii Saacid aadna ugu dhaw Madaxweynaha .
ku dhawaaqiasta Golaha Wasiirada ee Maanta hadii ay dhacdo ayaa imaanaysa xili maalinta Berito ah ay Baarlamaanka Soomaaliya u balan san yihiin in codka Kalsoonida loo qaado Moohinka looga soo horjeedo in Golaha Wasiirada kasoo dhax muuqdaan Xubno katirsanaa Xukuumadii Saacid.
Lama saadaalin karo Xubnaha kamidka noqonaya Golaha Wasiirada iyo halka ay ku dambeyn dooto biro tumashada ay ku jiraan Xildhibaano badan oo katirsan Baarlamaanka oo kasoo horjeeda in wasiiro noqdaan xubno ku dhaw dhaw Madaxweynaha oo horey uga tirsanaa Wasiiradii Saacid.
Idale News OnLine, Muqdisho
Xigasho: allbanaadir.com